Qoraaga reer Pakistaan laguna magacaabo Mirza Adiib ayaa buugiisa Al-Misbaax ku qoray dhacdadaan cajiibka ah;
Hada kahor mar ayaan aaday magaalada Delhi, xiliga waa lixdamaadkii qarnigii hore shaqo ayaana halkaas ka helay. Maalin ayaan soo raacay gaari bas ah, balse markaan jeebka gacanta galiyay waxaan waayay boorsadeydii yareyd ee ay lacagta iigu jirtay.
Boorsada waxaa iigu jirtay lacag yar oo dhameyd 9 Rubees iyo dhambaal bashqad ku jiray oo aan u qoray hooyadey.
Dhambaalkaas wuxuu u qornaa sidatan; “Hooyo macaan waxaa la iga eryay shaqadii mana awoodi bishaan inaan kuusoo diro lacagtii bilaha ee 50-ka Rubees aheyd”.
Dhambaalkaas waxaan qoray sadax maalin kahor intaanan boorsada la iga xadin, waxaana dib ugu dhigayay anigoo is leh waa intaasoo aad heshaa wax uun lacag ah, haatana 9kii rubi ee aan lacag oo dhan ka haayay waaba la iga xaday waxna gacan kuma haayo.
Maalmo markii ay kasoo wareegatay dhacdadii boorsada la iiga xaday ayaa waxaa isoo gaartay fariin ka timid hooyadey, markii hore waxaan is iri; waxay ku dhihi doontaa waan ku sugaayay bishaan ee maxaa kugu dhacay, balse waxaa layaab igu noqotay markaan furay dhambaalkii inuu noday mid mahadcelin xambaarsan, fariinta hooyo ayaana sidaan u qorneyd;
“Way isoo gaartay lacagtii 50-ka Rubi aheyd ee aad xawaalada iigu soo dirtay, allaha ku wanaajiyo wiikeyga lacagta marwalba waxaad iigu soo dirtaa waqtigeeda adigoonan marnaba igala soo daahin, inkastoo ay shaqadii kaa ceyriyeen hadana wax la’aan ima dhigin, waan kuusoo duceeyay towfiiqda Allaha ku waafajiyo risqigana hakuu waasiciyo”.
Mudo maalmo ayaan ku wareersanaa halka ay lacagtaas hooyo ka heshay iyo qofka u diray, maalmo kadib waxaa isoo gaartay fariin kale qofka fariinta soo qoray oo aan fartiisa ka fahmay inuu qoraalka ku adkaa ayaa sidaan iisoo qoray;
“Cinwaankaaga waxaan ka helay qeybta dambe ee dhambaalkii aad hooyadaa u qortay, lacagtii boorsada ku jirtayna waxaan ku daray 41 Rubi dheeraad ah kadibna waxaan u diray Hooyadaa anigoona cinwaankeeda dhambaalka ku qornaa ugu diray, waxaa ii cuntami weysay in Hooyo ay mudo bil ah gaajeysnaato damiirkeygana wuu isiin waayay sidaas owgeed waxaan u diray lacag aan aruursanayay, ma doonayo inaan dambigeeda xambaaro, waana ku salaamayaa.
F.G; Aniga waxaan ahay qofkii boorsada kaa xaday ee fadlan iska key cafi”.
Mararka qaar waxaan la kulanaa tuugo kun jeer ka sharaf badan kuwa badan oo isaga keen dhigaan dad wanaagsan iyo masuuliyiin xil haya.
Qoys sabool ah oo ka kooban lammaankii unkay iyo laba ubad ah oo wiil iyo gabadh kala ah, ayuu wilkii aad u xanuunsaday.
Markii shaybaadho kala danbeeya la isaga daba laabay ayaa la ogaaday in uu madaxa caabuq (kansar) kaga yaallo. Markii uu aabbihii waraystay dhakhtarkii ayuu u laabtay gurigii, si uu hooyadii uga warramo in
ilmahood uu aalad adag ku jiro, ayna mahuraan tahay
in uu galo qalliin qarashkiisu uu aad u badan yahay, waxa qudha ee uu imminka ku badbaadayaana ay tahay mucjiso uun, haddii aan galliinkaas la la gaadhin.
Gabadha yari markaa hadalka waalidkeed dhegaha ayay u raaricinaysay. Inta ay golkeedii gashay ayay ka heshay shandaddeedii yarayd ee carruurnimo hal Doollar. Inta ay qaadatay ayay farmasigii ugu dhowaa la aadday, waxa ayna sugtay inta uu dhakhtarku u soo jeesanayo oo nin iyada ka horreeyay ayuu cabbaar la hadlayay, markii ay sheekadii ku dheeraatay ee ay sugi kari weyday ayay si cadho leh halkii Doollar miiskii u saartay oo ay kor ugu tidhi: “iga libi mucjiso!”
Farmasilihii ayaa ku yidhi: “miyaadan arkayn in aan ku mashquulsanahay sheekada walaalkay oo aanan guyaal badan arag?!” Markaasuu ka sii daba geeyay: “oo yaa kugu yidhi anigu mucjisooyinka ayaan ibiyaa?
Markaasuu ninki Kale ee walalkii ahaa si degan
ugu yidhi: “maxay tahay adeer mucisada
doonaysaa?”
Waxa ay si carruurnimo iyo laabxaadhnaan ah u
tidhi: “ma garanayo! Aabbe ayaa hooyo u sheegay in walaalkay haddii aanu mucjiso helin uu dhimanayo,
halkan Doollar ma jarayaa mucjisada?!”
Isaga oo dhoollo caddaynaya oo cod dirran wax ugu sheegaya ayuu ku yidhi: “halka Doollar waaba qimaha mucjisada ee rasmiga ah! Laakiin horta waa in aan walaalkaa arkaa.
Ninkaasi waxa uu ahaa Dr. Carlton Armstrong oo ahaa dhakhtar buuni ku ahaa qalliinka neerfaha!
Gabadhii yarayd ayuu u raacay dhankii gurigooda,
waalidkeedna uu la kulmay. Mar kale ayuu shaybaadh wilkii ku sameeyay, markaasuu ku yidhi: “aniga ayaa dhakhtarkayga wilka qalliin ugu samaynaya!”
Way dhacday oo qalliinkii wiilka wuu sameeyay,
wuuna ku guuleystay, waxa keliya ee uu qarash ka qaatayna waa halkii Doollar ee ay gabadha yari siisay, markaasuu ka laalaadiyay halkii Doollar derbiga farmasiigiisa oo uu ku hoos qoray: “halkaas Doollar waa qiimaha mucjisada!”
W.Q: Ustad Cabdiraxman Caseer