Search
Close this search box.

Ha dawarsan Jacaylka!!

Ha dawarsan Jacaylka

Jacaylka marka ay noqoto, waxan raad goobnaa cudurdaarrada, amaba anaga ayaa hal’abuurna, maadaama aan doonaynno in aan sii negaanno!
Mar kastaba xidhiidhinta anaga ayaa ku hormarna anaga oo isku qancinayna, in laga yabo in uu ina soo xidhiidhin lahaa ee uu mashquulay!

 

Anaga ayaa xaalkiisa horweydiinna anaga oo iskula hadlayna , in uu ina soo xaal waraysto wuu doonayay ee wax ayaa helay!   Waxaan u dirnaa: “ma fiican tahay?!”
Waxa aan nafaheena ku qancinaa in sababta uu
i noo soo xaal waraysan waayay ay tahay in aanu fiicnayn oo ay wax uun heleen!
Ma jiraan wax ka qadhaadh in aad mar walba noqoto qofka wax bilaabayaa!
Saaxiib; ha dawarsan jacaylka!
Jacaylka marka ay noqoto, danayn ayaa danayn dhasha, oo xaalwaraysi ayaa xaalwaraysi dhala, oo hadal horbilaabid ayaa hadal-horbilaabid dhasha!
Iska jir in aad u fahanto hadalkaygan in aan ku leeyahay i sii aan ku siiyo ka dhig xaalka lammaankaaga
kaa la dhexeeya, dadka isjecel xisaabtanka noocaas ahi
kama dhexeeyo’e!

Ee waxa aan uga jeedaa hadalkaygaas, inta aadan wax walba hurin ee aadan badka iskeenin, hubi marka koowaad in aad tahay gacallaha qalbiga lammaankaagaas!
Dareennada caadifadeed ee loo quudho qof aan u qalmini nafta quudhsi ayay ku yihiin, aniguna waxa aan kula doonayaa in aad noqoto gacalle la jecel yahay, ee aadan noqonin qof liita oo la quudhsado!
Dareennada caadifadeed ee loo quudho qof aan u qalmini, waa sidii ubax lagu beeray Guddaafad!
Baro halka aad ku beerayso ubaxyadaada, haddi aad aragto in ay carrasan tahay, biyaha indhahaaga ku waraabi, muhimna ma aha haddii aad kun jeer noqoto qofka wax walba horbilaabayaa!
Balse i rumayso; qofka sida dhabta ah kuu jeceli, kuguma kellifayo in aad mar walba noqoto qofka wax walba horbilaabaya

 

Xigasho: Buuga Waan ku salaamay saaxiib

Share This Article