Gabadhii Xajjaaj bin Yuusuf qasabka loogu guuriyay balse ku kaliftay inuu khaadimkeeda noqdo:
:
Waxaa jirtay gabar Hinda la dhihi jirtay aadna u qurux badneyd, Gabadhaan quruxda ay laheyd darteed waxaa Aabaheed kasoo doontay Xajjaaj Bin Yuusuf, Balse Gabadha kuma qanacsaneen guurka Xajjaaj wayna diidey, Laakiin Aabaheed ayaa guurka ku qasbay sidaas ayayna ku guursatay Xajjaaj.
Naag Nin aysan rabin misna jecleyn sida loogu qasbo waa adagtahay, waxaa dhacday mudo sanad ah markii ay is qabeen, Maalin maalmaha kamid ah ayadoo hor fadhisay Muraayada quruxdeeda iney muraayada ka dhex aragtay, balse waxay hadana xusuusatay iney tahay marwo u dhaxdo ninka ay necebtahay ee Xajjaaj Bin Yuusuf.
Nasiib xumadeeda markay aragtay ayay tirisay labo tuduc Gabay ah kuwaasoo macnahooda yahay; Hinda ma ahan waxaan aheyn Geenyo loo xalaaleeyay Baqal, hadey Geenyo kale dhasho waa xag ilaah, hadeyse Baqal dhasho, baqalka loo xalaaleeyay buu ka ahaaday”.
Tuducyadaas waxay isku tilmaameysaa inay tahay Faras Geenyo ah qurux badan balse lagu khasaariyay Baqal ay iska dhaleen Dameer iyo Faras, ayadoona Baqalka ula jeedo Xajjaaj Bin Yuusuf.
Waxaa dhacday in Xajjaaj uu maqlay gabaygii ay Hinda tirisay markaa ayuu aad uga carooday wuxuuna usoo diray Khaadimkiisii asigoona ugu soo dhiibay fariin aheyd; “Labadaas Tuduc ee aad tirisay dartooda baan kugu furay hadaad mid sadaxaad ku dari laheydna carabka ayaan kaa goyn lahaa”. Sidoo kalana Khaadimkii wuxuu ugu soo dhiibay Lacag 20,000 oo Diinaar ah.
Khaadimkii markii uu u yimid Gabadhii ayuu ku yiri oraah gaaban oo aheyd; “كنتي فبنتي” taasoo macnaheeda yahay; “Waxaad aheyd xaaskiisa, balse haatan waxaad noqotay Garoobtiisa”.
Hinda oo ka aftahansaneyd khaadimka sidoo kalana ujeedka hadalkiisa fahamtay ayaa tiri; “Waanu aheyn (yacn xaaska Xajjaaj) kumase faraxsaneen, Waa nala furay kamase murugoon”. Kadibna lacagtii Labaatanka Kun aheyd ayay Khaadimkii siisay ayadoona uga dhigtay abaal marin, maadaama uu war bishaaro leh u keenay.
Gabadhii Hinda aheyd markii Xajjaaj uu furay waxaa la waayay nin usoo dhawaado oo nin walba lafihiisa ayuu la cabsaday, waa kee ninka ku dhaca inuu Guursado Naagtii Xajjaaj Bij Yuusuf ka careysiisay kadibna furay?.
Hinda dhankeeda markay aragtay in nimankii ka dideen nin usoo dhawaadana ay waysay ayay go’aan ku gaartay ineysaba guursan Nin Xajjaaj maqaam ahaan ka hooseeyo, sidaas owgeer guurka Nin Xajjaaj ka sareeyo ayay Qorshe ka dhigatay. Si qorshahaas u hirgalana Waxay lacago siisay Niman Abwaano ahaa oo curiya Gabayo Ammaan ah, kuwaasoo Quruxdeeda lagu amaanayo.
Nimankii Abwaanada ahaa ayaana Hinda Gabayo Ammaan ah ka Curiyay, mid kamid ah Abwaanadaas ayaana Gabay uu Hinda ku amaanayo ka tiriyay madal uu joogay Khaliifkii Muslimiinta ee Cabdil-Malik Bin Marwaan, Khaliifkii ayaana markii uu maqlay gabaygii aad ula cajabay Quruxda Gabadhaas lagu sheegayo wuxuuna go’aansaday inuu guursado.
Wuxuu usoo dirsaday Rag guurkeeda kasoo dhameeyo, Hinda-na midaas waa sidii ay rabtee dalabkii guurka Khaliifka way aqbashay, balse hal shuruud ayay ku xirtay guurkiisa, taasoona aheyd in marka lasoo galbinaayo oo ay soo aadeyso Magaalada Baqdaad halkaasoo Khaliifka daganaa in Xajjaaj Bin Yuusuf soo galbiyo oo uu Faraska ama Owrka ay saarantahay xarigiisa uu qabto soona hogaamiyo. Khaliifka ayaana midaas aqbalay asigoona Xajjaaj faray fulinta arintaas.
Maalintii galbinta markii la gaaray Gabadhii Hinda oo saaran Faraskii, Xajjaajna uu haayo xarigiisa ayay si kas ah dhulku ugu soo tuurtay Hal Diinaar, markaa ayay Xajjaaj ku tiri; Wiilow Hal Dirham baa iga dhacee iisoo qabo.
Xajjaaj ayaa inta Faraskii joojiyay Lacagtii soo qabtay balse wuxuu arkay inuusan Dirham aheyn oo uu Diinaar yahay waxa ka dhacay, Markaas ayuu inta Lacagtii usoo taagay ku yiri; Dirham ma ahan waxa kaa dhacay ee waa Diinaar.
Hinda oo arintaas markii horaba ugu talo gashay ayaa tiri; Alxamdulillaah ilaahaa Mahad leh oo Dirhamkeygii iigu badalay Diinaar. (Dirham waa Lacagta Qalinka ka sameysan, Diinaar-na waa Lacagta Dahabka ka sameysan).
Xajjaaj markuu maqlay hadalkeeda ayuu fahmay ujeedkeeda oo ay kawaday in ay heshay nin asiga ka maqaam sareeyo kana fiican. Shib ayuuna iska yiri.
Gabadhii markii uu geeyay Qasrigii Khaliifka maalintii Xaflada arooskana la gaaray ayuu Xajjaaj kasoo daahay imaatinka Xaflada, khaliifkii Cabdil-Malik Bin Marwaan ayaana fariin u diray Xajjaaj oo uu kaga dalbanaayo inuu yimaado goobta Xaflada, Balse Xajjaaj ayaa kusoo jawaabay; “Hooyadey waxay isoo bartay waligay inaan cunin reeb reebka iyo Hambada Ragga”.
Cabdul-Malik Bin Marwaan ayaana fahmay ujeedka uu Xajjaaj ka lahaa hadalkaas inuusan aheyn Hambada cuntada balse uu kawado Naagtii uu soo furay inuu haatan guursaday oo uu reeb reebkiisa cuni rabo.
Cabdil-Malik oo arinta aad ula kharaaraatay gabadhiina furi karin ayaa go’aansaday inuusan la aqal galin marnaba, taas badalkeedana wuxuu dajiyay mid kamid ah Qasriyadiisa asigoona Galab walba Salaada Casar kadib u tagi jiray salaan iyo bariidin ahaan, wuxuuna iska ilaaliyay inuu u dhawaado.
Gabadhii Hinda aheyd ayaa arintii uu Xajjaaj sameeyay iyo kaartadii uu u dagay ogaatay, waxayna go’aansatay in Khaliifka ka furto hadalkii margiga ahaa ee uu Xajjaah ku xiray, sidaas owgeed ayay maalin inta is diyaarisay si fiicana isku qurxisay aadna isku carfisay soo xiratay labis kan ugu soo jiidashada badan, intaa kadibna Gabdhihii Jaariyadaha u ahaa mid kamid ah ayay ka dalbatay iney u tagto Khaliifka una sheegto deg deg iney ugu baahantahay.
Khaliifkii markii loo yimid arintiina loo sheegay ayuu is yiri malaha dhib ayaa jira bal soo fiiri, Qasrigii ay daganeyd ayuu yimid kadibna qolkeedii ayuu ugu soo galay, Hinda markii ay aragtay Khaliifkii ayay si kutalagal ah isaga goysay Katiinad Luul ka sameysneyd oo ay xirneyd, markaa ayay inta maradii ay xirneyd oo markii horaba qafiif jirkeeda laga dhex arkaayo aheyd kor u qaaday bilowday iney soo uruuriso gabaladii Katiinada ee Luulka ka sameysnaa.
Khaliifka ileen waa Nin aan horay marada uga qaadin Gabadhee markuu arkay jirkeeda iyo Quruxdeeda ayuu dareenkiisii halmar isbadalay, wuxuuna aad uga shalaayay in Hadal uu Xajjaaj dhahay dartiis Quruxdaan asigoo heysta uu ka qatanaa in mudo ah.
Gabadhii Hinda oo qorshaheedii sidii la rabay ugu socdo, walina aruunineysa gabaladii Katiinada ayaa tiri; “Cajiib badanaa Luulka Subxaanallaah”.
Cabdil-Malik ayaa markaas weydiiyay sababta ay u tiri Subxaanallaah?
Waxay ku jawaabtay; Luulka Allaah ayaa abuuray waana Waxyaabo ay Boqorada isku Qurxiyaan.
Khaliifkii ayaa yiri; Haye?
Ayadoo hadalkii sii wadata ayay tiri; “Inkastoo Luulka ilaahay u abuuray Boqorada iney isku Qurxiyaan hadana Allaah wuxuu doonay in Boqorna uusan isku qurxin Luul aan soo marin gacan Tumaal”.
Waxay kala jeedaa Luulka Boqorada ayaa isku qurxiyo balse marka hore waxaa lagu soo farsameeyaa laguna duleeliyaa Gacmaha dadka shaqaalaha ah ee howshaas yaqaan, marka anigana sidii oo kale baan ahay, oo waxaan ahay Luulkaas, adigana Boqorkii aan qurxin lahaa baa tahay, Xajjaajna waa Tumaalkii Luulka soo diyaariyay.
Khaliifkii ayaa hadalkeeda inta fahmay yiri; Wlhi run baad sheegtay, ilaahay ha hoojiyo kii ku eedeeyey ee ii kaa xumeeyay. Kadibna isla goobtii ayuu kula aqal galay.
Sheekadaan waxaa lagu tiriya mid kamid ah dhacdooyinka kuwoodii ugu cajiibsanaa gaar ahaan marka laga hadlayo Dhagar Dumar, waayo Gabadha ay qabsatay Sheekada ee Hinda aheyd Dhagartii uu Xajjaaj u maleegay waxay kaga awood badisay mid iyada u gaar aheyd oo hibo ahaan Alle u siiyay xaqeediina kusoo ceshatay.