Nin Japanese ahayaa maalin doonay inuu gurigiisa dayactiro ka dib waxa uu go’aansaday inuu darbiyada gurigiisa mid kamid ah ka saaro. Sida la ogyahay, guryaha dhaqanka(traditional shelter) ee Japan waxaa laga dhisaa alwaax, waxaana u dhexeeya darbiyada faaruq ah . Markuu mid kamid ah darbiyada furay, wuxuu arkay Qalanjis( Qorado, Masduul) lugteeda uu ku dheggan yahay musbaar iyo alwaax. Taas o aan awoodin in ay ka baxdo alwaxa iyo musbaarka ku dhegan . Wuxuu la dhacay tiiraanyo iyo murugo markuu arkay dhibta iyo xanuunka badan ee Qalajista haysata.
Laakiin waxa uu la yaabay markuu arkay in musmaarkii Qalanjista ku dhagnaa uu guriga ku jiray muddo 10 sano ah tan iyo markii uu gurigiisa dhistay. Su’aal baa maskaxdiisa ka dhex guuxday taas oo ahayd: maxaa dhacay? Sidee bay Qalanjistani ugu noolayd muddo toban sano ah meel madow oo qoyan iyadoo aan dhaqaaqayn?
Wuxuu joojiyay shaqadiisa oo wuxuu in muddo ah daawanayay Qalanjista. Sidee bay u nooshashay? Kadib si lama filaan ah, wuxuu arkay Qalanjis kale oo cunto afkeeda ku wada. Arrintaasi aad ayuu uga yaabay.
Isagoo ka fekeraya jacaylka Qalanjista kale ee muddada dheer cuntada keeni jirtay, wuxuu dareemay inay dunidu leedahay xasilooni iyo qadarin. Wuxuuna yiri: “Rizqigaaga( Quudkaga) waa la go’aamiyay, qadarkaagana waa la qoray. Arrimaha nolosha aduunkuna ma mudna walwal iyo walbahaar, maxaa yeelay waxa ay ku jiraan gacanta Eebbe weyne(Allah) .”