Search
Close this search box.

Qisadii Haaruut iyo Maaruut

Ma maqashay Sheekadii Haaruut iyo Maaruut

waxay ka warramaysaa waqtiyadii Nabi Sulaymaan (NNKH) iyo sidii ay shayaadiintu samada ugu kici jireen si ay u dhegaystaan malaa’igta. Malaa’igta ayaa ka hadli jirtay waxyaabaha qarsoon sida dhimashada qofka iyo qaybinta rizqiga. Shayaadiinta ayaa markaas dhagaysan jiray, kadibna warkaas u gudbin jiray culimada reer Banii Israa’iil. Arrintan ayaa keentay in dadku rumaystaan in shayaadiintu ogaayeen waxyaabaha qarsoon.

Culimadii reer Banii Israa’iil waxay dadka u sheegi jireen warkii shayaadiinta, oo waxa dhacay in dadku bilaabeen inay rumaystaan warka shayaadiinta si ka badan kitaabka Alle ee Zabuur. Sidaasi darteed, dadku waxay uruursadeen warka shayaadiinta oo waxay ku qoreen buugaag ay ka doorbideen Zabuurkii Alle u soo dejiyey.

Markii Nabi Sulaymaan arrintaas ogaaday, wuu cadhooday. Wuxuu amray in la soo ururiyo dhammaan buugaagtii ay ku qornaayeen warka shayaadiinta, kadibna wuxuu ku riday sanduuq wuxuuna ku aasay kursigiisa holstiisa. Nabi Sulaymaan (NNKH) ayaa dadka uga digay in qofna uu sheegan karin in shayaadiintu ogaayeen waxyaabaha qarsoon, haddii kale waa la dil. Nabi Suleyman ayaa Shayaadiinta ayuu ugu hanjabay in haddii ay isku dayaan inay u dhawaadaan sanduuqaas, uu gubi doono.

Inkasta oo ay shayaadiintu ka cabsan jireen awoodda uu Nabi Sulaymaan lahaa ee uu ku xukumi jiray, haddana ma ay rumaysnayn in Sulaymaan uu ahaa Nabi. Markii uu Nabi Sulaymaan NNKH geeriyooday, shayaadiinta waxa ay bilabeen in ay sii wadeen nacaybkooda iyagoo doonaya inay xasuusiyaan dadkii wixii dhacay, si ay uga faa’iidaystaan jahligooda.

Dhowr qarni kadib, dadkii iyo culimadii Banii Israa’iil waxay hilmaameen warkii shayaadiinta ilaa ay shayaadiin cusub u soo degteen oo mar kale ku dhex faafiyeen beentii hore.

Shayadhiintii waxay u yimid reer Banii Israa’iil, waxayna u shegeen inay qodaan Kursiga Nabi Sulaymaan hoostiisa si ay uga helaan “khaznad” ama Santuuq qarsoon oo ah buugaagtii sixirka ee uu Sulaymaan la sheegay inuu isticmaalay. Shaydaanku wuxuu ku doodayay in Sulaymaan uu ahaa saaxir oo uusan noqon nebi, taas oo dhalisay in qaar ka mid ah Banii Israa’iil ay rumaystaan.

Ka dib markii ay qodeen, waxay heleen sanduuq ay ku jireen buugaag, waxaana Shaydaanku u sheegay in buugaagtaas ay yihiin kuwa uu Sulaymaan ku xakumi jiray jinka iyo dabaysha. Arrintan ayaa keentay in Banii Israa’iil ay bilaabaan inay dadka baraan sixirka oo uu ku faafo bulshada dhexdeeda.

Ilaahay wuxuu u soo diray malaa’igta Haaruut iyo Maaruut si ay dadka ugu sheegaan in sixirku yahay imtixaan, oo ay ka digaan in dadka ay ka fogaadaan.

Quraanka Kariimka ah ayaa xusaya qisadan suuradda Al-Baqara aayadda 102, taas oo tilmaamaysa in Sulaymaan uusan ahayn saaxir, balse shayaadiintu ay kufriyeen iyagoo dadka barayay sixirka

Share This Article