Search
Close this search box.

Qiso Malik Binu Dinaar iyo Nin 40 sano cibaadeysanayay

Waxaa la yiri: Maalik bin Dinar ayaa wuxuu yiri, aniga oo dhex socday guriga cibaadada ee Maka, waxaan la yaabay tirada badan ee xujaajta iyo dadka cumrada sameynaya. Markaas ayaan naftayda iri: “Yaad la yaabtaa yaa ka mid ah kuwa la aqbalay si aan ugu hambalyeeyo? Yaa la diiday si aan ugu tacsiyeeyo?” Habeenkii, waxaan ku riyooday qof igu leh: “Maalik bin Dinar, waxaad ka fikiraysaa xujaajta iyo kuwa cumrada sameynaya, wallaahi, Ilaahay wuxuu cafiyay dhammaan dadka yar iyo weyn, rag iyo dumar, madow iyo cad, Carab iyo cajami, marka laga reebo nin kaliya oo Ilaahay ka caraysan yahay, oo xajigiisii ama cumradiisii la diiday.”

 

Maalik wuxuu yiri: Habeenkii waxaan la kulmay cabsi weyn oo aan ka baqay in ninka la diiday aan aniga ahay. Habeenkii xigay, waxaan ku riyooday sidii oo kale, laakiin mar kale waxaa la igu yiri: “Ma tihid ninka la diiday. Ninka waa nin ka yimid Khurasaan, magaalada Balakh.”

 

Markii aan soo toosay, waxaan u baxay Khurasaan, waxaana weydiiyay dadka: “Ma halkan ayuu jooga nin la yiraahdo Maxamed bin Haaruun Balakhi?” Waxay yiraahdeen: “Haa, waana ninka ugu cibaadada badan Khurasaan.” Markaas ayaan la yaabay maadaama aan maqlay war layaab leh oo ku saabsan ninka. Waxay ii sheegeen inuu muddo afaratan sano ah sooman yahay maalinta iyo habeenkii tukada, isaga oo aan hoy u noqon wax kale oo aan ahayn meelaha burburay, waxaana laga yaabaa inuu ku sugan yahay meelaha guddafadaha ah ee Maka.

 

Waxaan ku wareegay meelahaas illaa aan ka helay isaga, isagoo ku tukada meel mugdi ah oo derbi gadaashiisa taagan, gacantiisa midig ayaa la jaray oo luquntiisa lasuray, waxaana guntiisa lagu xiray silsilado waaweyn. Markii uu maqlay tallaabadayda ayuu u jeestay oo igu yiri: “Yaa tahay?” Waxaan ku iri: “Maalik bin Dinar.” Markaas ayuu yiri: “Maalik, maxaa ku keenay halkan? Ma aragtay riyo?” Waxaan ku iri: “Waan ka xishoodaa inaan kuu sheego.” Markaas ayuu yiri: “Ha xishoon, ii sheeg.” Waana u sheegay riyadii, wuuna ooyay muddo dheer.

 

Wuxuu yiri: “Maalik, riyadaas waxa ay la socotaa aniga afartan sano, sanad walba waxaa arka nin aad u suuban oo ila mid ah. Waxaan ahay qof ehelu naar ah.” Waxaan ku iri: “Miyaad leedahay dambi weyn oo aad Ilaahay kala dhexeyo?” Wuxuu yiri: “Haa, dambi ayaan leeyahay oo ka weyn cirarka, dhulka, iyo buuraha.” Waxaan ku iri: “Ii sheeg si aan dadka uga digo.” Markaas ayuu yiri: “Maalik…”

 

Waxaa la yiri, waxaa jiray nin la oran jiray Maxamed bin Haaruun Balakhi oo ku sifoobay cabbista khamriga xad dhaafka ah. Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo khamri cabbay, ayuu guri u yimid hooyadiis oo dabka shidayay. Markii ay hooyadiis aragtay isaga oo sakhraansan, waxay bilawday inay waaniso iyadoo leh: “Maantay waa habeenkii ugu horreeyay ee bisha Ramadaan, dadkuna berri waxay noqon doonaan kuwa sooman, adiguse waxaad noqon doontaa mid sakhraansan, ma xishoonaysid miyaa Eebbe hortiisa?”

 

Isagoo xanaaqsan, ayuu gacanta kor u qaaday oo si daran ugu dhuftay hooyadiis. Hooyadiis waxay tiri: “Khasaaray,” taas oo kasii caraysiisay isaga. Wuxuu sakhraankiisii ku qaaday hooyadiis oo ku tuuray tinaarta (foornada dabka), halkaas oo ay gubatay. Markii xaaskiisu aragtay waxa dhacay, waxay isaga ku xirtay qol, albaabkana dusha ooga xirtay.

 

Markii waagu baryay oo sakhraankiisii ka baxay, wuxuu ku yiri xaaskiisa albaabka fur, laakiin waxay isaga siisay jawaab jabisay qalbigiisa. Markaas ayuu yiri: “Maxaa jaceylkii iyo naxariistii kaa bedelay?” Waxay ku tiri: “Waad u qalantaa inaanan kuu naxariisan. Maxaadse sameysay adigu? Waxaad dishay hooyadaa oo ku tuurtay foornada, wayna gubatay!”

 

Markii uu maqlo in hooyadiis gubatay, wuxuu si xoog ah u furay albaabka, u cararay tinaartii(foornadii), oo wuxuu ka helay hooyadiis oo u ekaatay kibis gubanaysa. Wuxuu gacantiisa ku qabtay tinaartii ilaa ay gacantiisii gubtay. Markaas ayuu gacanta kale ku xiray silsilad isaga oo cadho ka buuxdo oo uu naftiisa ciqaabay. Isaga oo qalbigiisu dillaacay, wuxuu qaatay go’aan adag oo ah in uu is-baddalo. Wuxuu bixiyay hantidiisii dhan oo ahayd 8,000 dinar, wuxuuna xoreeyay addoomo badan, wuxuuna cibaadaysanayay muddo ku dhaw afartan sano oo soomayay maalin walba, tukanayay habeenkasta, isaga oo sanad walba xajinaya.

 

Isla sanadkaas, ayuu ku riyooday nin kale oo wanagsan oo u sheegay in Maxamed bin Haaruun uu kamid yahay ehelu naar. Maalik bin Dinar ayaa markii uu aragtidaas u sheegay ninka, wuxuu u duceeyay inuu Ilaahay ku cadaabo sida uu sheegay oo uu ugu arkay riyada, laakiin markii dambe ayuu riyooday Maalik, oo uu arkay Nabi Muxammad (NNKH) oo ku leh: “Ha niyad jabin dadka ee u sheega inay naxariis ka helayaan Ilaahay.”

 

Markii uu u sheegay Maxamed bin Haaruun riyadan dambe ee ah tan uu Nabi Muxamed ku leeyahay “Ha niyad jabin dadka ee u sheega inay naxariis ka helayaan Ilaahay.”

wuxuu ku qancay inuu heli doono cafiska Ilaahay oo uu la midoobi doono hooyadiis aakhiro, inkasta oo uu waqti ku jiri doono naarta sidii uu ugu xadgudbay hooyadiis. Wuxuu u dhintay isagoo niyad jab la’aan ah, Maalik bin Dinarna wuxuu kamid ahaa dadkii ku tukaday salaaddiisii janaasada.

 

 

Share This Article